Arrin dadka quluubtooda taabatay oo ka dhacday goobtii lagu aasayey Jen. Farxaan Qaroole (Daawo)

0

(Hadalsame) 01 Okt 2022Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan ”Qaroole”, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shalay ku geeriyoodey meel u dhow Degmada Balcad kaddib markii sida la sheegay ay miino la kacday.

Taliye Farxaan Qaroole ayaa isla maanta maydkiisa lagu aasay magaalada Muqdisho, balse arrin kale oo dadka qalbigooda taabatay ayaa ka dhacday goobtii duugta.

Wiil la sheegay inuu ahaa asxaabta aadka ugu dhowayd marxuumka oo laftiisu dhaawac culusi ka muuqdo ayaa ka mid ahaa dadkii marada walfinayey xilligii luxudka lagu toosinayey maydka marxuumka.

Ha yeeshee, wiilka dhaawaca ihi wuxuu ka fuqi waayey maradii ilaa meesha laga jiido, taasoo muujinaysa sida ay u saamaysay geeridii faj’ada ahayd ee Taliye Farxaan.

Hadalsame Media