”Waxaa lagu yiri halla dagaallamin wuuna aqbalay waayo waa fulay” – Siyaasi dhaliil culus u jeediyey MW hore (Daawo cidda ku tiri)

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2022 – Faarax Macalin oo haatan ka mid noqday xildhibaannada Baarlamaanka Kenya islamarkaana saaxiib dhow la ahaa Madaxwaynihii hore ee DF Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ka hadlay arrimo badan isagoo markii ugu horreeysey madfac dhankiisa u ridey MW hore ee Farmaajo oo uu ku tilmaamay ”nin fulay ah oo aan ku dhac lahayn.”

“Farmaajo wuxuu tilaab ugu qaadi waayey Al-Shabaab, wax ogolaansho ah ayuu ka waayey Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaa la yiri hadaad la dagaashaan waxay ku cararayaan gudaha Kenya, waxaa la go’aansaday in sidaas ay Soomaaliya u dhex joogaan,” ayuu yiri Faarax oo la hadlayey Universal TV balse aan la sharrixin sababta ay Somalia ugu khasban tahay inay danaha ammaankeeda ka dhegeysato dalal kale ama ay u ilaaliso danahooda iyadoo teeda quuraysa.

“Farmaajo wuxuu ahaa ‘fulay wadani ah’ tuug se maahayn, dalku inuu guulaystana waa rabey, laakiin calool-adaygii ayaa ka maqnaa, si tartiib ah ayuu rabey inuu ku gaaro xalka Soomaalida, taasna macquul ma noqon,” ayuu ku dooday  Faarax Macalin.

Faarax ayaa sidoo kale farta ku godey dhibaato uu hoggaankiisu sababsaday Farmaajo, taasoo ahayd in marka ay wax dhacaan uu doorbidi jirey inay indhaha ka daawado oo uusan shacabka la hadli jirin.

“Xitaa hadii aad khalad gashay waa inaad dadka la hadashaa oo sidii ay wax u dhaceen u sheegto, wixii la khaldayna aad saxdo, dadkii khaldayna aad tillaabo ka qaaddo, dadku markaas waa kaa qancayaan.” ayuu yiri Macallin oo ah siyaasi waayo arag ah.

Arrintii ugu dambaysey ee aad u dishey sumcaddii MW hore ayaa ahayd kiiskii Ikraan Tahliil oo loo maareeyey sidii ugu liidatey ee loo maarayn lahaa, si loo ilaaliyo raggii kiiska sida tooska ah ugu lugta lahaa.

Si kastaba, siyaasadda Soomaalida ayaa inta badan iska fogaysa mas’uuliyadda islamarkaana eedda saarta dalal shisheeye, balse ma jiro dal ku khasban inuu danihiisa u aba fariisto dal ama dalal kale, in taa la aqbalaana adiga unbay kugu xiran tahay.

Hadalsame Media