Ruushka oo si rasmi ah u qaatay bad dhan oo ay Ukraine lahayd & 15% berrinka dalkaasi (Arag khariidadda)

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2022 – Kremlin-ka ayaa u gogol xaarayey in qaybo ka mid ah Ukraine lagu daro dalkooda iyagoo ku andacoonaya in dadka deggan dhulkan ballaarani ay si wayn u taageereen ku biirista Ruushka kaddib afti uu Ruushku agaasimey oo ay Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedku ay ku gacan sayreen kuna sheegeen mid sharci darro ah.

Sida laga soo xigtey saraakiisha uu Ruushku halkaa u magacaabay, 93% codadka laga dhiibtay gobolka Zaporizhzhia ayaa taageeray ku biirista Ruushka, si la mid ah 87% gobolka Kherson, 98% gobolka Luhansk iyo 99% Donetsk.

Saraakiisha ay Moscow taageerto ee afarta gobol ee la haysto ee koonfurta iyo bariga Ukraine ku sugan ayaa sheegay in codaynta aftida la xirey galabnimadii Talaadadii kaddib shan maalmood oo codbixin ah.

Hadal u muuqday inuu meesha ka saarayo wax wada xaajood ah, Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymr Zelenskyy ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u sheegay mar uu kula hadlay muuqaal laga soo duubay Kiev, in isku dayga Ruushku uu ku doonayo inuu ku qabsado dhulka Ukraine ay la micne tahay “inaysan jirin wax lagala hadlo Madaxwaynahan Ruushka.”

Natiijooyinka horay loo sii qorsheeyey ayaa marxalad cusub gelinaya dagaalka toddobada bilood socda ee Ruushka, iyadoo Kremlin-ku ay ku hanjabeen inay ciidamo badan keenayaan dagaalka ayna suurtagal tahay inay isticmaalaan hubka nukliyeerka.

Goosigan cusub ayaa marka laga soo tago in lagu qaadanayo ugu yaraan 15% ka mid ah dhulka Ukraine taasoo ay sii dheertahay Crimea oo laga xoogey 2014-kii, waxay sidoo kale Ruushku sidaa ku qaateen dhammaanba Badda Aasoof (Sea of Azov) oo ay Ukraine qayb dhan ku lahayd, waxaana hadda dalkaa laga dhigay mid aan wax badan dhaamin dal bad-xiran ah, iyadoo lagusoo reebay koridoor yar oo xiga dhanka Odesa oo kulaasha Black Sea.

Hadalsame Media