(Muqdisho) 25 Sebt 2022 – Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa la sheegay inay ku biireen duullaanka ka dhan ka ah Al Shabaab ee ka soconaya koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegey wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia ee Axmed Macallin Fiqi.
Lama sharrixin qaabka ay diyaadaha Turkigu uga qaybqaadanayaan dagaalka, balse waxaa loo badinayaa inay yihiin daroonnada is wada ee Turkiga.
Balse waxaan sidoo kale la hubin inay daroonnadaa ku holwgelayaan ciidamada DF Somalia ee qalabka sida iyo inay hagayaan isla Turkigu.
Bishii Diseembar ee sanadkii hore ayaa rag uu ka mid ahaa siyaasiga Cabdirahman Cabdishakur Warsame, ay sheegeen inuu Turkigu daroonno casri ah u keenay Ciidanka Cirka Somalia.
Hadalsame Media