Dal Muslim ah oo si qarsoodi ah u dalbaday hubka ugu casrisan Ruushka oo caqabad wajahaya (Daawo)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2022 – Fursad ay Aljeeriya ku heli lahayd diyaaradaha casriga ah ee Jiilka 5-aad ee Su-57 ee Ruushka ayaa caqabad la kulantay.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaa la isla dhex marayey in uu jiro heshiis ku kacaya 7 bilyan oo Doollar oo u dhexeeya Ruushka iyo Aljeeriya.

Marka la eego faallooyin kala duwan oo saadaal ah, waddanka Afrika wuxuu doonayaa inuu iibsado 14 xabbo oo ah Su-57 Felon. Heshiiska noocan oo kale ah, sida laga soo xigtey warbaahinta Ruushka, wuxuu bilowga gaarayaa lacag dhan ilaa 2 bilyan oo Doollar.

$5 bilyan oo soo hartay ayaa la filayaa in lagu kharash gareeyo nidaamka difaaca hawada ee ugu dambeeyey ee Ruushka S-500 Prometheus, cusboonaysiinta taangiyada T-90, iyo sidoo kale iibsashada T-14 Armata, cusboonaysiinta diyaaradaha Su-30 oo wata raadaarro cusub, matoorro iyo gantaallo , iyo sidoo kale iibsashada dayuuradaha Su-34.

Balse waxay caqabad ka wajahayaan Maraykanka oo u adeegsanaya Xeerka CAATSA ee uu ku cunaqabateeyo dalalka hub ka iibsada Ruushka iyo dalal kale.

Halkan ka daawo warbixinta….

Hadalsame Media