(Hadalsame) 19 Sebt 2022 – Dowladda Moldova ayaa furtay shabakad gaar ah oo ka caawin doonta muwaadiniinteeda inay helaan xaabo ay ku kululeeyaan guryahooda marka uu qaboobuhu bilowdo, sida mas’uuliyiintu ku dhawaaqeen.
“Mareegtani waxay bixinaysaa macluumaad ku saabsan kaymaha ugu dhow, sidaas darteed, waxay fududaynaysaa habka dadwaynaha lagu siinayo xog ku saabsan xaabo si ay u kululeeyaan guryohooda,” adeegga saxaafadda ee Golaha Wasiirrada ee Moldova ayaa sidaa bayaan ku sheegay.
Xaabada ayaa noqotay mid gabaabsi ah beryahan dambe iyadoo dad badani ay ka fogaadaan bixinta biilasha gaaska sii qaaliyoobaya ama sii kordhaya. Yaraanta jirta awgeed, waxaa la dejiyey in la xaabo xadkeedu 5 mitir oo 3 jibbaaran ah loo qoondeeyo qoyskiiba kaas oo looga iibiyo qiimo ka hooseeya suuqa, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ihi.
Goor sii horreeysay, dowladda dalkaasi ayaa sidoo kale furtay khadka taleefoonka si au dadku ku heli karoodaan macluumaadka ku saabsan kaydinta xaabada, ayna ku ogaysiiyaan maamulka kiisaska musuqmaasuqa iyo jarista sharci darrada ah ee dhirta si degaanka loo ilaaliyo.
Dalkan oo ah mid ka mid ah wadammada ugu saboolsan Yurub, Moldova waxay la daalaa dhacaysay sicir-bararkii ugu sarreeyey kaasoo ka sarreeya 30%, kaasoo ay u badan tahay inay sabab u tahay kharashka kordhaya ee tamarta.
Hadalsame Media