MW Erdogan oo iska diidey qaab bahdil ah oo loo agaasimey aaska Boqoradda UK (Boqor ogolaaday & MW Somalia oo…)

0

(London) 19 Sebt 2022 – Aaska Boqorada UK ayaa maanta oo Isniin ah  ka dhici doona dalkaasi. Madax ka kala socota ku dhowaad ​​200 oo waddan ayaana ka qaybgelaya munaasabad wayn.

Madaxda qaar ayaase hadda muujinaya sida ay uga xun yihiin qorshaynta aaskan ay u dejisey Dowladda UK.

Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden iyo Madaxwaynaha Israa’iil ee Isaac Herzog oo qura ayaa loo oggolaaday inay ku safraan baabuur u gaar ah si ay aaska u tagaan, halka madaxda kale oo dhami ay bas wada raacayaan.

Waxay Dlwladda Ingiriiska oo bixinaysa basaska oo ka tegaya galbeedka London ay fartay inay madaxdu halkaa isugu yimaadaan, sida uu Danjire is qariyey u sheegay Politico.

Yeelkeede, in MW Joe Biden uu duugta yimaado isagoo wata gaarigiisa gaashaaman ee “Waxshiga” lagu naanayso ragga qaar damiirkoodu ma aqbalin.

Waxaa durba dooday diblomaasiyiin ka socda shan dal oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kooxda G7 oo codsaday in baskan laga dhaafo madaxdooda, sababo la xiriira da’ ama sababo amni, walow aan markiiba loo jawaabin.

Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa isna ka qayb geli lahaa aaska. Balse markii lagu wargeliyey inaan loo ogolayn inuu ku safro gaarigiisa gaarka ah, wuu joojiyey ka qaybqaadashada aaska.

Taas beddelkeedana waxaa halkaas tegi doona Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga.

Dalalka qaar ayaa baska aqbalay waxaana ka mid ah Japan oo uu boqorkeeda Naruhito uu baska ogolaaday, sida uu dhigayo, Washington Post.

MW Somalia ee Xasan Sheekh ayaa isna ka mid ah baandada baska la saari doono, sida aannu xogaha ku heleyno.

Hadalsame Media