(Hadalsame) 19 Sebt 2022 – Talyaanigu wuxuu ka cabsi qabaa in Faransiisku joojiyo korontada uu siiyo xilli ay sii yaraanayaan wax soo saarka wershadaha tamarta nukliyeerka, sida uu qorayo la Repubblica.
Sida laga soo xigtey wargayska, Maamulka Tamarta Faransiisku waxay farriin u qoreen dhiggooda Talyaaniga si ay u ogaysiiyaan joojinta soo fool leh oo qaadanaysa labada sano oo soo socota, iyadoo Afhayeenka Wasaaradda Tamarta ee Talyaaniga ay xaqiijisay jiritaanka warbixintan.
Si kastaba ha ahaatee, Bloomberg ayaa Axaddii shalay iyana sheegtay in Faransiisku uu dafiray jiritaanka qorshe lagu dhimayo tamarta uu u dhoofiyo Talyaaniga.
“Faransiisku waxay dib u xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay ilaalinta nidaamka isdhaafsiga gaaska iyo korontada ee dhammaan dersaanteeda Yurub. Isku xirka koronto si buuxda u shaqaynaysa ayaa ah mudnaanta amniga saadka wadajirka ah ee Yurub.” ayay tiri Wasaarada xilliga kala guurka ah ee Tamarta Faransiiska oo bayaan soo saartay, sida laga soo xigtey Bloomberg.
Horraantii toddobaadkan, shirkadda tamarta ee Dowladda Faransiiska EDF ayaa sheegtay in wax soo saarkeeda tamarta nukliyeerka lagu wado inuu hoos ugu dhaco heerkiisii ugu hooseeyey muddo 30 sano ah sababo la xiriira dhibaatooyinka dayactirka ee wershadaha nukliyeerka ee gabowga ah.
Dhanka kale, shirkadda koronta RTE ayaa ka digtey inay u baahan karto inay xirto korontadeeda aadda dalalka Talyaaniga iyo UK sida ku jirtey warbixinteedii jiilaalka soo aaddan. Tillaabadan oo kale waxay si wax ku ool ah u joojin doontaa dhoofinta korontada ee Faransiiska.
Talyaanigu waxa uu dibedda kasoo degsadaa ku dhowaad 13% korontadiisa, xogta laga helay shirkadda qaranka ee Terna ayaana muujinaysa, in Faransiisku uu boqolleeydaa ka yahay 5% marka ay timaado isticmaalka sanadlaha ah ee korontada dalka Talyaaniga.
Hadalsame Media