MAJO ABEESO: Maraykanka iyo Ruushka oo ay soo baxday inay si wayn u wada shaqeeyaan (Maxay samaynayaan Arbacada?)

0
FILE - President Joe Biden and Russian President Vladimir Putin shake their hands before their first meeting at the Villa La Grange in Geneva, Switzerland, June 16, 2021. There have been a series of beneath-the-surface meetings between the two countries as the Biden administration applies a more sober approach to relations with the Kremlin. (Doug Mills/The New York Times)

(Hadalsame) 18 Sebt 2022 – Koox khubaro ah oo ka tirsan NASA ayaa gaartey xarunta hawada sare ee lagu magacaabo Baikonur Cosmodrome oo uu Ruushka maamulo oo ku taal dalka Kazakhstan, sida ay sheegtay Wakaaladda Hawada Sare ee Ruushka ee Roscosmos Sabtidii shalay.

Booqashadu waxay khusaynaysaa diyaarinta duullimaadka soo socda ee ay ku tagi doonaan Saldhigga Hawada Sare ee Caalamiga ah (ISS), waxaana ka qayb ah cirbixiyeenka Maraykanka ah ee Frank Rubio ee safarkiisa la qorsheeyey Arbacada.

“Wefdiga Maraykanka ayaa yimid Baikonur si ay uga qaybqaataan diyaarinta duullimaadkii ugu horreeyey ee kursi-wadaaga dayax gacmeedka Soyuz – waana wakiillada NASA iyo qaraabada cirbixiyeenka Frank Rubio.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Roscosmos.

Wefdigu waxay horay uga qaybqaateen soo-diridda dayax-gacmeedka Soyuz-2.1a oo la saaray halka laga gano dayax-gacmeedyada. Waxaa uu xarunta ISS maalinta Arbacada ah u qaadi doonaa Rubio, iyo sidoo kale cosmonaut-yada Ruushka ee Sergey Prokopyev iyo Dmirty Petelin.

Duullimaadka soo socda ayaa ah howlgalkii ugu horreeyey ee hoos yimaada barnaamijka qaybsiga kuraasta ee Maraykanka iyo Ruushka, kaas oo ay ku heshiiyeen Moscow iyo Washington horraantii sanadkan inkasta oo uu sii xumaanayey xiriirka labada waddan, tan iyo bilowgii dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo uu Maraykanku hub ku taageero.

Hadalsame Media