(Samarkand) 17 Sebt 2022 – Ruushka ayaa diyaar u ah inuu bixiyo 300,000 oo tan oo maadada bacriminta ah oo uu dalalka soo koraya ku siiyo si lacag la’aan ah, waloow agabkaasi hadda lagu hayo dekedaha Midowga Yurub sababo la xiriira cunaqabataynta reer Galbeedka, sida uu shalay sheegay Madaxwayne Vladimir Putin.
Isagoo ka hadlayey shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) ee dalka Uzbekistan, ayuu hoggaamiyaha Ruushku sheegay inuu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Antonio Guterres kala hadlay arrimaha agabkan muhimka u ah beeraha.
“Maalin kahor shalay waxaan ku wargeliyey Mr. Guterres in 300,000 oo tan oo bacriminta Ruushka ah ay haatan yaallaan dekedaha Midowga Yurub.” ayuu yiri Putin oo intaas ku daray in Moscow ay diyaar u tahay inay si bilaash ah ku siiso dalalka soo koraya. Si ay gacan uga gaystaan yaraynta dhibaatada cunto ee aduunka.
Dabayaaqadii bishii Luulyo, Moscow iyo Kiev waxa ay saxiixeen heshiis lagu furayo dhoofinta badarka Ukraine ee la sii marinayo Badda Madow wadahadal ay Qaramada Midoobey dhexdhexaadinaysey oo ka dhacay Istanbul kaddib.
Heshiiska ayaa sidoo kale la filayaa inuu u ogolaado Ruushka inuu u dhoofiyo agabka bacriminta iyo badeecadaha cuntada suuqyada adduunka. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Ruushka ayaa marar badan ku dhaleeceeyey reer Galbeedka inaysan ixtiraamin heshiiska.
Hadalsame Media