MW Deni oo Maxkamadda sharciga lala tiigsanayo & waxa lagu haysto

0

(Hadalsame) 17 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Maamulka Puntland ee ka tirsan Soomaaliya, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeen hore kala diray Golihii Degaanka ee Garowe, caasimadda Maamulka.

Deni ayaa tillaabadaa sheegay inuu u cuskaday warbixin ka timid Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Maamulka Puntland.

Yeelkeede, waxaa tallaabadaasi sharciga darro ku tilmaamay Guddoomiyihii Golaha Degaanka Garowe, Axmed Siciid Muuse, oo BBC-da arrintan uga warramay.

Axmed Siciid, ayaa tilmaamay in Madaxwaynuhu uu sharaftiisa meel uga dhacay sida uu hadalka u yiri, isagoo ballan ku qaaday inuu qarreen u dooda qabsan doono.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in waxa uu kasoo horjeedo ay tahay in mar qura la kala diro Golaha Degaanka ee magaalada Garoowe.

Hadalsame Media