Xisbiyada midigta ah ee Sweden oo ay durba ka tafatay & laba xisbi oo isu diiddan ka qaybgalka Xukuumadda (Tillaabada RW hore qaadayo)

0

(Stockholm) 15 Sebt 2022 – Ulf Kristersson (M) ayaa hadda bilaabay howlaha loo baahan yahay si uu usoo dhiso xukuumad cusub, iyadoo aasaaska dawladdu ku dhisan tahay ay yihiin xisbiyada midigta ah ee guulaystey ee Moderaterna, xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna, Krdimokraterna iyo Libaraalka.

Yeelkeede, ma noqon doonto howl fudud marka ay timaado khilaafka taagan, sida uu qabo Pontus Mattsson, oo ah weriyaha arrimaha siyaasadda ee Wakaaladda Wararka Ekot.

”Xisbiyada Libaraalka iyo Sverigedemokraterna aad bay ugu kala fog yihiin arrimo kala duwan. Xisbiga L ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan dowlada halka xisbiga Sverigedemokraterna uu sheegay in aysan rabin xisbiga  lagu soo daro dowlada,” ayuu yiri Pontus.

”Islamarkaana uu xisbiga Sverigedemokraterna waa xisbiga ugu wayn baloogga midigta ah. Waa xaalad aan caadi ahayn.” ayuu raaciyey.

Xisbiga L ayaa caddeeyey mowqifkiisa isagoo sheegay inuusan la shaqaynayn Xukuumadda cusub haddii SD lagu soo daro Xukuumadda oo wasiirro la siiyo, taasoo iyana keentay in SD laftoodu ay diidaan in L lagu daro Xukuumadda, taasoo howsha ku adkaynaysa Ulf Kristersson oo ka socda M islamarkaana doonaya inuu noqdo RW cusub ee Sweden.

Goor dhow marka ay saacaddu tahay 11:00 barqannimo RW hore ee Magdalena Andersson (S) ayaa is casilaaddeeda u gudbinaysa Afhayeenka Baarlamanka Riksdag, iyadoo kaddibna lagu wado inay warbaahinta war siiso.

Hadalsame Media