Ukraine oo dalal uu Turkigu ka mid yahay ka doonaysaa arrin uusan Ruushku ku farxi doonin

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2022 – Ukraine waxay soo bandhigtay talo soo jeedin ku saabsan dammaanad qaad dhanka amniga ah, kaas oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaan ku xirnaan doona waddanka iyo dawladaha dammaanad qaadaya iskaashigan istiraatiijiga ah oo loo yaqaan ‘Heshiiska Ammaanka Kiev’.

Hindisahan, oo lagu sameeyey codsi ka yimid Madaxwayne Vladimir Zelensky, lana daabacay Talaadadii, ayaa waxaa soo diyaariyey koox la-talin ah oo uu madax u yahay xoghayihii hore ee NATO Anders Fogh Rasmussen.

Kiev waxay soo jeedinaysaa in dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, UK, Australia iyo Turkey ay noqon doonaan sidii dammaanad qaadayaasha amniga Ukraine, iyadoo dalalkan xulafada ihi ay samayn doonaan ballanqaadyo cad oo lagu taageerayo ciidamada Ukraine, iyadoo sidoo kale la bixinayo dammaanad aan millateri ahayn oo ku salaysan cunaqabataynaha Ruushka iyo kuwa iman kara haddii ay wax dhacaan mustaqbalka.

Ukraine ayaa sheegtay inay “dalal awood ku filan u leh inay dalkooda ka ilaaliyaan tillaabo kasta oo aargudasho ah oo uu Ruushku qaado islamarkaana jug aan laga soo waaqsan gaarsiin kara” sida uu sheegay Agaasimaha Madaxtooyada Ukraine ee Zelensky Andrey Yermak.

Waxa uu sheegay in heshiiskan uusan badal u noqon doonin ku biirista Ukraine ee NATO, balse uu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka ilaa Ukraine ay si rasmi ah uga mid noqoto ciidamadan uu Maraykanka hogaamiyo.

Arrintan ayaan la ogayn sida uu Turkiga, oo ah dal xiriir wanaagsan la leh Ruushka, uu u aqbali doono.

Hadalsame Media