MW Kenya oo sharraxay wixii uu kala hadlay dhiggiisa Somalia (Meesha ugu muhiimsan oo uu hormariyey)

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2022 – MW cusub ee Kenya ayaa markii ugu horreeysey ka hadlay kulan gaar ah oo uu la qaatay dhiggiisa DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

”Waxaan si deg deg ah ula socon doonnaa hirgelinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga Jaadka Miroowga iyo kalluunka waxayna fududayn doontaa isu socodka labadeenna qaran,” ayuu qoraal kooban oo uu hadda soo saaray ku bilaabay MW Kenya.

”Kulamada aan la yeeshay Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Maxamuud Maxamuud waxaa sidoo kale ka mid ahayd xaaladda amni ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.” ayaa la raaciyey iyadoo u kulanku ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Kenya ee Nairobi.

Kenya ayaa sida muuqata diiradda saaraysa sidii ay Jaadkeeda ugu dhoofin lahayd Somalia, halka madaxda Somalia ay halkii ay dhimi lahaayeen nuqsaanta ganacsi ee labada dal ay beryahan ku maqan yihiin sidii ay dallaal uga heli lahaayeen Jaadkan dalkii rogey marna cayrteeyey.

Hadalsame Media