
(Paris) 14 Sebt 2022 – Tiro ka mid ah duqowda magaalada iyo barasaabyada Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in aanay calankooda hoos u dhigi doonin si ay u maamuusaan aaska Boqorada Ingiriiska ee Elizabeth II, iyaga oo ku doodaya in fikradda boqortooyadu ay khilaafsan tahay nidaamka Jamhuuriga ah ee Faransiisku ku dhaqmo.
Kaddib dhimashadii Elizabeth Khamiistii, Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa wuxuu ka mid ahaa madaxdii ugu horreeysey ee xushmeeya boqoraddii ugu muddada dheerayd Britain. Wuxuu ugu yeerey “Boqoradda Qalbiyada”, deetana Madaxtooyada Elysee Palace waxay hoos u dhigtay calanka Faransiiska maalintii xigtey, Raiisal Wasaare Elisabeth Borne wuxuu sidoo faray xarumaha magaalooyinka iyo dhismayaasha kale ee dadwaynaha inay sidoo kale yeelaan xilliga aaska Boqoradda ee Isniinta soo socota.
Ha yeeshee, duqowda magaalada ee garabka bidix ee dalkaasi, amarkani ma ahayn mid ay soo dhoweeyeen. “Codsigani wuxuu iila muuqdaa wax cajiib ah,” ayuu yiri Yann Galut, duqa magaalada Bourges oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaaga.
“Waan ixtiraamayaa murugada saaxiibadeenna Ingriiska, laakiin hoos uma dhigi doonno calanka Faransiiska ee suran dhismayaasha Dowladda Hoose ee magaalada.” ayuu yiri.
“Waxaan nahay waddan Jamhuuri ah. Maxaan u sharfayaa boqor shisheeye? Galut ayaa markii dambe sidaa u sheegay telefishinka France3.
“Ma raaci doono amarka,” ayuu yiri Duqa magaalada Faches-Thumesnil Patrick Proisy, oo xubin ka ah xisbiga garabka bidix ee La France Insoumise. “Tan ma loo sameeyaa dhammaan madaxda qaran ee dhimata? Jamhuuriyadeennu ma waxay door bidaysaa boqor, ama madaxa kaniisad?” ayuu is waydiiyey.
“Sidee ku noqon kartaa macquul in calanka Faransiiska hoos loo dhigo dugsiyadeenna halkaas oo uu halkudhigga ku qorani yahay: ‘Xornimo, sinnaan, walaaltinnimo’?” ayuu Proisy ku dooday. “Ma jirto fikrad ka fog ‘sinaanta’ oo ka xag-jirsan tan boqortooyada.” ayuu yiri.
Patrice Leclerc, oo ah duqa Xisbiga Shuuciga ee magaalada Paris duleedkeeda ku taalla ee Gennevilliers, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu iska indhatirayo amarkan, sida ay werisey The Times.
Hadalsame Media