(Hadalsame) 14 Sebt 2022 – Iran ayaa sheegtay in ay samaysay diyaarad aan duuliye lahayn oo si gaar ah loogu talagalay in lagu duqeeyo magaalooyinka ugu waawayn ee xeebaha Israa’iil haddii ay dhacdo in uu dagaal furani ka dhex qarxo labadan cadow ee muddada dheer soo jirey.
Taliyaha Ciidamada Dhulka Sarreeye Guuto Kioumars Xeydari oo la hadlay TV-ga Iran laga leeyahay ee IRIB TV1 ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada Tehraan ay samaysay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Arash-2 oo ah nooca ka dambeeya nooca Arash-1 oo ah nooca riddada dheer ee is qarxinta samaysa ee aan duuliyaha lahayn (UAV). .
Isagoo tilmaamaya jiilka soo socda ee daroonkani uu yahay mid “dhigan la’aan ah,” Haydari wuxuu kaloo xusay in Iran ay “si gaar ah u naqshadaysay diyaaradan si ay u beegsato magaalooyinka Haifa iyo Tel Aviv.”
Waxa uu sidoo kale sheegay in millateriga dalkiisu “ay sugayaan amar si ay ugu howlgeliyaan hal maalin.”
Jeneraalku wuxuu sii watay sharraxaadda astaamaha Arash-2, isagoo xusay in awoodaheeda gaarka ihi ay u suurtagelinayaan inay soo hesho macluumaadka muhimka ah dhowr jeer kahor intaysan weerarin oo aysan baabi’in bartilmaameedka loo qoondeeyey.
Xeydaari ayaa intaa ku daray in diyaaraddan aan duuliyaha lahayn ay horraanba ku biirtay agabka ciidamada Iran, waxa uuna ballanqaaday in ay muujin doonto awoodeeda inta lagu guda jiro dhoollatuska ciidan ee mustaqbalka dhow.
Hadalsame Media