(Hadalsame) 12 Sebt 2022 – Sucuudi Carabiya ayaa Masjidka Xaramka ee magaalada Maka ku soo kordhisey qalab Robot ah oo uu ku rakiban yahay “caqli macmal ah,” kaasoo caawin doona dadka cibaadaysanaya marka ay booqanayaan goobtan barakaysan.
Agabkan oo lasoo bandhigay dhammaadkii usbuuca, ayaa gudbin doona farriimaha dadwaynaha, sida khudbadaha iyo aadaanka ka imanaya imaamyada iyo mu’adiniinta oo ay u gudbinayaan xujaajta.
Dadka soo booqda Xajku waxay isticmaali karaan talefankooda casriga ah si ay u baaraan koodhka Robot-ka oo ay u arkaan waxyaabaha ay ka midka yihiin aayado ka tirsan Qur’aanka kariimka ah oo ay ku soo dejinayaan agabkooda elegtaroonigga ah, si ay ula socdaan farriimaha robot-ka.
Waxay sidoo kale la falgali karaan oo la hadli karaab robot-yada iyagoo adeegsanaya amarro ay u siinayaan cod ahaan si ay u helaan macluumaad guud oo ku saabsan imaamyada, mu’adiniinta iyo jadwalkooda toddobaadlaha ah.
Abdul Rahman Al-Sudais, Gudoomiyaha Guud ee labada masaajid ee barakaysan, ayaa sheegay Jimcihii in robot-yada cusub lagu bilaabay qayb ka mid ah “mashruuca campus smart, si waafaqsan Higsiga 2030 iyo Qorshaha Istaraatiijiyada 2024, taas oo ujeedadeedu tahay in adeegyada ugu badan loo qabto dadka soo booqda labada masjid ee barakeysan”.
Sucuudiga ayaa horay u hirgeliyey robot kale oo caawinaya haweenka xajinaya iyo tiknolojiyad kale oo dadku u adeegsan karaan inay Dhagaxa Madow ee Maka guryohooda kasoo arki karaan iyo qaar faya-dhowrka ka shaqeeya.
