Xog kasta oo aad uga baahan tahay hab-raacyada doorashada Sweden (Meelaha aad ka codayn karto & xilliga ay furan yihiin)

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2022 – Maanta waa maalinta doorashada Sweden oo ka kooban 3 qaybood, heer qaran, gobol iyo degmo, waa Axaddan 11-ka Sebtembar, inta badan goobaha codbixintu waxay furan yihiin min 08.00 – 20.00.

Maxaad u baahan tahay inaad ogaato? Kaarkaga codbixinta waxa uu sheegayaa goobta codbixineed ee aad ka codayn karto iyo xilliga ay furan tahay. Waxaad ka codayn kartaa goobtaada codbixinta ama goobaha codbixinta lasoo hormariyey. Mar kasta waxaa lagaaga baahan yahay kaar aqoonsi.

Maalinta doorashada kama codayn kartid dalka Sweden dibeddiisa. Codadka boostada lagu soo diray ee dibedda ka imanaya waa inay ku yimaadaan waqtiga tirinta codadka loo qabtay.

HADDAAD DAAHDO? Qofku waa inuu codeeyaa kahor 20:00, balse haddii uu qofka waqtigaasi ka dhaco isaga oo safka taagan wuu codaynayaa waqti kasta oo ku darsama. Halkan ka dhegeyso xog dheeraad ah.

Halkan guji si aad u aragto meelaha aad ka codayn karto iyo xilliyada ay furan yihiin.

Hadalsame Media