Min Beerta Sumaysan, Jasiiradda Masaska, Qabriga Qin Shi Huang ilaa Doomsday Vault, baro 20-ka meelood ee ay mamnuuc tahay in la booqdo

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2022 – Waxaa jira meelo badan oo ay nidaamyada ka jiraa mamnuuceen inay dadku booqdaan ama tagaan marka laga reebo ciddii loo idmo sida dadka ka shaqeeya IWM, haddiiba meesha la geli karo.

Meelaha qaarkood si dabiici ah ayay halis u yihiin in la tago sida Jasiiradda Masaska ee Brazil, meelaha qaarna waxaa ku jira siro dadwaynaha laga qarinayo sida Doomsday Vault oo ku taalla Norway.

Tusaale, Chapel of Ark of the Covenant, oo ku taalla Itoobiya, waxaa jirta sheeko xariiro dhigaysa inuu halkaa yaallo wax ay ku sheegaan Sanduuqa Axdiga – kaas oo ay leeyihiin waxaa yaalla 10 Amar oo uu bixiyey Nabi Sulaymaan (CS), sidaa darteed, booqashada waa ka mamnuuc.

Halkaas ma tegi karaan xitaa dadka cilmi baarayaasha ah iyo taariikhyahannada, sidaa drateed, cid warkan abid xaqiijisay ma jirto. Kaliya ninka ilaaliya ayaa halkaa geli kara.

Halkan ka eeg sawirrada & sharraxaadda…

Hadalsame Media