
(Milano) 11 Sebt 2022 – Qannaaska qawaarka ah ee AC Milan ayaa xalay gool kale u dhaliyey kooxdiisa oo iyada oo 10 ah 2-1 uga soo badisay kooxda Sampdoria.
Laacibkaasi waa Olivier Giroud oo sanadkii hore dhanka Chelsea uga soo biiray kooxda Milan oo uu goolal muhim ah u dhaliyo kulamada xasaasiga ah.
Waxaa jirta arrin kale oo muujinaysa in goolashiisu ay sidoo kale falxad u yihiin kooxdiisa, waayo mar kasta oo uu gool dhaliyo waa badisaa Milan. Halkan waxaa ku taxan kulamadii uu goolka ama goolasha ku lahaa oo dhan.
Fasalkii hore ee 21/22:
Horyaalka Talyaaniga:
Milan-Cagliari 4-1: double
Milan-Hellas 3-2: goal
Milan-Turin 1-0: goal
Milan-Roma 3-1: goal
Milan-Inter 2-1: double
Napoli-Milan 0-1: goal
Lazio-Milan 1-2: goal
Sassuolo-Milan 0-3: double
Coppa Italia:
Milan-Genoa 3-1: goal
Milan-Lazio 4-0: double
Fasalkan 22/23
Milan-Bologna 2-0: goal
Milan-Inter 3-2: goal
Sampdoria-Milan 1-2: goal
Hadalsame Media