SIR LA DAADIYEY: Boqollaal dokumenti oo xasaasi ah oo ay NATO leedahay oo lagu iibinayo Dark Web (Dalka dayacay)

0

(Hadalsame) 10 Sebt 2022 – Boqollaal dokumenti oo sir ah oo NATO u dirtay Portugal ayaa la xaday iyadoo lagu iibinayo shabakadda mugdiga ah, sida uu qorayo wargayska maalinlaha Portuguese-ka ah ee Diario de Noticias.

Ilo-wareedyo qarsoodi ah ayaa wargayska u sheegay in ciidamada millateriga Portugal, EMGFA, ay bartilmaameed u ahaayeen “weerar dhanka internetka ah oo daba dheeraaday oo aan horay loo arag” taasoo keentay in xogtan qarsoodiga ah ee NATO la jabsado.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in sir-daadintan loo arko “mid aad u daran.”

Dowladda Boortaqiisku waxa ay ogaatey weerarka dhanka internet-ka ah bishii Agoosto kaddib markii saraakiisha sirdoonka Maraykanku ay ogaadeen in dokumentiyada sirta ah lagu iibinayo mareegaha mugdiga ah ee Dark Web, sida lagu sheegay warbixinta.

Diario de Noticias wuxuu la xiriirey Safaaradda Maraykanka ee Lisbon iyo dhowr hay’adood oo ka tirsan Dowladda Portugal si ay uga hadlaan kiiskan. Midkoodna se ma doonayn inuu xaqiijiyo ama beeniyo warbixinta.

“Dowladdu waxay dammaanad qaadi kartaa in Wasaaradda Gaashaandhigga Boortaqiiska iyo Ciidamada Xooggua ay maalin walba shaqeeyaan si loo hubiyo in kalsoonida lagu qabey Portugal, oo ah xubin wax ka aasaastay Gaashaanbuurta NATO ah, ay weli jirto,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Baaritaankii ugu horreeyey ee xogtan la dusiyey ayaa lagu ogaadey in la jabiyey hab-raacyadii amaanka macluumaadka sirta ah ama xasaasiga ah,maadaama  shabakado aan amaan ahayn loo adeegsaday helida iyo sii gudbinta dokumeentiyada la jabsaday, sida ay ilo wareedyadu u sheegeen Diario de Noticias.

Hadalsame Media