Doorashada Sweden, xisbi cusub oo ay Soomaalidu ka muuqato & hal arrin oo ay tahay in laga fikiro

0

(Stockholm) 10 Sebt 2022 – Waxaa muuqanaye ol-ole aan qarsooneeyn oo ay masaajida xaafadda Soomaalida Stockholm degeni u badan tahay ugu jiraan qaar ka mid ah musharixiinta u taagan heerarka kala duwan ee Stockholm.

Ma xuma waana wanaag in masaajidu doorkooda ka qaataan bulshadana ku dhiirigeliyaan inay awoodooda ku muujiyaan codka ay dhiibanayaan, laakiin su’aashu waxay tahay “masaajidu maka fakireen halka codkeenu ka soo muuqan karo iyo cida ay tahay inaan wax ku darsaNno?

Waxaan arkaayey dad badan oo ay ku dhiirigelinayaan inay codkooda siiyaan xisbi cusub oo la magac baxay NYANS inay doortaan.

Waxaase isweydiintu tahay xisbiga cusub ma soo gelo doonaaa baarlamaanka maadaama aan ognahay in baarlamaanka lagu soo galo codad badan oo kor u dhaafaya 250,000 ama 4% codadkq guud ahaan Sweden laga dhiibtay?

Hadii aanu xisbigaani cusub soo gelin baarlamaanka Rikssdag oo aanu codadka guud ka helin helin boqolleey dhan 4% codadkii la dhiibtay xagee aadayaan? Halkee aadayaan kumannaankii cod ee la siiyey? Ma KhaKasaarayaan?

Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa haboon inaan iska hubino.

W; Q: Jibriil Cabdulle Macallin

Hadalsame Media