Ciidamada Ukraine oo Ruushka kubaaraynaya & Agab casri ah oo ay ka furteen + Sawirro

0

(Kharkiv) 10 Sebt 2022 – Jiilka ugu dambeeya ee miinada lidka taangiyada ee Ruushka ayaa lagu soo warramayaa in lagu qabsaday weerar ay Ciidamada Ukraine ku qaadeen gobolka woqooyi bari ee Kharkiv oo tuulooyin badan Ruushka looga xoreeyey.

Ciidamada Ukraine ayaa gacanta ku dhigay miinada casriga ah ee PTKM-1R ama POM-3 oo Ruushku sameeyey, taasi oo caan ku ah magaca “Miinada boodda”.

Sida laga soo xigtey Wakaaladda Dhoofinta Hubka ee Dowladda Ruushka ee Rosoboronexport, PTKM-1R waa miino casri ah oo loogu talagalay in lagu burburiyo ama lagu waxyeelleeyo taangiyada iyo baabuurta gaashaaman ee dagaalka.

Sida ay sheegtay Hay’adda Dhoofinta Hubka, PTKM-1R waxay awood u leedahay inay doorato gaadiidka gaashaaman ee ay ku qarxayso, waxay dooranaysaa oo keliya qalabka buuxiya cabbirro loo cayimay marka la eego guuxa ama shanqarta iyo gariirka dhulka ee uu samaynayo.

Si kale haddii loo yiraahdo waa miino wax “dhegeysanaysa.”

Ciidamada Ukraine ayaa dib ula wareegay in ka badan 2,500 kiiloomitir oo laba jibaaran (965 mayl laba jibaaran) oo ku yaal woqooyi bari ee dalka saddex maalmood gudahood, sida uu sheegay machadka daraasaadka dagaalka.

Ciidamada Ruushka ayaa la sheegay inay bilaabeen inay ka baxaan gobolkan si ay xooggooda iskugu geeyaan Luhansk.

Hadalsame Media