(Hadalsame) 08 Sebt 2022 – Boqoradda UK ee Queen Elisabeth II ayaa waxaa kormeer caafimaad lagu hayaa xaalkeeda iyadoo joogta Balmoral, kaddib markii ay dhakhaatiirtu ka walaaceen caafimaadkeeda, sida kasoo baxday Buckingham Palace.
Dhammaan carruurta boqoraddu waxay hadda joogaan, ama u socdaalayaan, gurigeeda Scotland ee u dhow Aberdeen.
“Kaddib qiimayn caafimaad oo dheeri ah oo saaka la sameeyey, dhakhaatiirta boqoraddu waxay ka walaacsan yihiin caafimaadka Boqoradda waxayna ku taliyeen inay kusii jirto kormeerka caafimaadka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waa wax aan caadi ahayn in Buckingham Palace ay soo saarto bayaan sidan oo kale ah – waayo inta badan ma rabaan inay bixiyaan faallo ku saabsan arrimaha caafimaadka ee 96-jirka boqortooyada u sarreeysa, oo loo arko inay tahay arrin gaar ah.
Amiir Charles ayaa wuxuu hadda u safray Balmoral isaga iyo xaaskiisa, Duchess of Cornwall.
Waxaa kale oo soo socda xubnaha kale ee qoyska Boqortooyada. Si kastaba, xaalka guud ee boqoradda ayaa deggan.
Hadalsame Media