(Nairobi) 08 Sebt 2022 – Malaayiin Afrikaan ah ayaa ku raaxaysanaya helitaanka internet-ka mobayllada ah oo ay ku helayaan qaar ka mid ah qiimaha ugu hooseeya adduunka iyaga oo garabsanaya hagaajinta kaabayaasha shabakaadka telefoonnada gacanta iyo kuwa landline-ka ah, waxaana dalalkaa kuwa ugu horreeya ka mid ah Somalia.
10-ka sare ee Qaaradda Afrika ayay Somalia haatan uga jirtaa kaalinta 3-aad, waloow ay mar ku jirtey kaalinta 1-aad, marka la eego dalalka macaamiishu ay 1 GB oo internet ah ku heli karaan wax ka yar 1 Doollar.
Aljeeriya ayaa kaalinta 2-aad kaga jirta liiska, waxaana lagu qiimeeyaa $0.51, halka Soomaaliya ay gashay kaalinta saddexaad ee ugu jaban qaaradda Afrika, waxaana lagu qiimeeyaa $0.60 in lagu helo 1 GB, waxaana rakhiistan ugu wacan dalalkan oo leh kaabayaal internet oo wanaagsan, sida uu qabo Dan Howdle, oo arrimahan falanqeeya.
Iyadoo qiimayntan oo laga sameeyey 230 meelood oo loo qaybiyey 12 gobol ay meel hoose ka galeen dalalka Kenya iyo South Africa, kuwaasoo 2.25 iyo $2.67 lagu iibiyo 1 gigabyte sida ay u kala horreeyaan.
Warqaadka The Star ee Kenya ayaa xitaa qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”In Somalia internet lagu isticmaalo ayaa ka rakhiisan Kenya.”