”Ruushku ma aha dal aad yaraysan kartaan” – Dal Muslim ah oo ka digey cawaaqibka arrin ay Galbeedku wadaan

0

(Hadalsame) 08 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhaliilay reer Galbeedka sida ay u dhayalsanayaan Ruushka, islamarkaana ay raacayaan siyaasado la doonayo in looga xanaajiyo ama lagu daandaansado Moscow.

Waxa uu la hadlayey suxufiyiinta kaddib markii uu kula kulmay dhiggiisa Serbia, Aleksandar Vucic, Belgrade, taasoo qayb ka ah socdaalka Balkan-ka ee loogu talagalay in lagu hormariyo diblomaasiyadda gobolka iyo Ankara.

“Waxaan si cad u sheegi karaa in aanan ka helin hab-dhaqanka reer Galbeedka [ee ku aaddan Ruushka]. Sababtoo ah waxaa jira dalal reer Galbeed ah oo raacaya siyaasad ku dhisan daandaansi,” ayuu Erdogan ku yiri shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen Vucic fiidnimadii Arbacadii, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Anadolu.

“Ma aha in aan magacyo sheego, laakiin waxaa jira dhowr waddan oo reer Galbeed ah, oo aan u malaynayno, inay khaldan yihiin,” ayuu Erdogan sharraxay. “Markaad raacdo siyaasad ku saleysan daandaansi, ma gaari kartid natiijooyin fiican.” Ayuu raaciyey.

Dhanka kale, Ankara waxa ay wadday siyaasad “dheellitiran” oo ay kasoo saartay natiijooyin ay ka mid yihiin habka dhoofinta badarka ee la saxiixay dabayaaqadii bishii Luulyo, ayuu sheegay hoggaamiyaha Turkiga.

Erdogan ayaa booqday labada dal ee Ukraine iyo Ruushka, waxaana Turkigu uu sii wadaa inuu ganacsi la sameeyo labada dal, taasoo ka caraysiisey Midowga Yurub oo aan taa ku farxin.

“Waxaan ku eeyahay kuwa Ruushka dhayalsanaya, khalad baad samaynaysaan. Ruushku maaha dal la dhayalsan karo.” Ayuu soo jeediyey MW Turkigu.

Hadalsame Media