Micne Dastuuri ah oo ku dhex qarsanaa qoraal shalay ku jirey magacaabistii Gud. Madaale

0

(Muqdisho) 07 Sebt 2022 – MW DF Somalia ee Xasan Sh. Maxamuud ayaa shalay magacaabay Guddoonka Gobolka Banaadir oo sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho.

Ha yeeshee, waxaa qoraalka ku jirtey kelmad ugu yaraan si waraqi ah meesha kaga saaraysa qadcannimadii magacaabista, waxaana lagu daray in la tixgeliyey talo ka timid Wasaarad Gudeedka DF Somalia.

”Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.” ayaa ku jirtey qoraalka magacaabista.

Caadiyan, Dastuurka qabyada ee DF Somalia ayaan Madaxwaynaha siinayn awood magacaabid oo aan ahayn magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha hoggaamiya Xukuumadda DF, waloow ay madaxwaynayaashu inta badan farageliyaan shaqooyinka RW Xukuumadda iyagoo adeegsanaya awood aan dastuuri ahayn.

Hadalsame Media