(London) 08 Sebt 2022 – Boqoradda UK ee Queen Elizabeth II, oo in ka badan 70 sano haysey Taajka Britain ayaa hadda geeriyootey.
Waxay jirtey 96 sano waxaana geerida xaqiijiyey Buckingham Palace. Waxay kursiga ku dangiigtey tan iyo 1952-kii waana 70 sano, waxaa mudadaa UK soo maray 15 RW.
Prince Charles, oo 73-jir ah, sidoo kalena ah wiilka ugu wayn Boqoradda ayaa dhaxlaya Taajka iyo maamulidda hantida Boqortooyada iyo Commonwealth-ka.
Boqorka cusub ayaa soo saaray bayaan tacsi ah oo uu ku cabirayo dareenka boqortooyada UK kaddib geerida faj’ada ah ee hooyadii oo Talaadadii uun qaabishey RW cusub ee Liz Truss.
YAA KU XIGA CHARLES? Waxaa dabcan dhaxalka leh wiilashiisa William iyo Harry, waxaana horreeya William iyo ilmihiisa kaddibna Harry iyo ilmihiisa ayaa ku xigaya.
Boqor Charles III, 73, wuxuu sugayey tobannaan sano si uu boqortooyada u dhaxlo waana dhaxal-sugihii ugu waqtiga dheeraa taariikhda Britain.
10 maalmood oo baroordiiq ah ayaa lagu dhawaaqay kuwaasoo socon doona ilaa 18-ka bishan oo la aasi doono.
Waxaa baaqan doona dhammaan ciyaarihii maxalliga ahaa ee UK oo ay ku jiraan kuwa EPL ee todobaadkan.
Hadalsame Media