(London) 08 Sebt 2022 – Boqoradda UK ee Queen Elizabeth II, oo in ka badan 70 sano haysey Taajka Britain ayaa hadda geeriyootey.
Waxay jirtey 96 sano waxaana geerida xaqiijiyey Buckingham Palace.
PrincecCharles, oo ah wiilka ugu yar Boqoradda ayaa dhaxlaya Taajka iyo maamulidda hantida Boqortooyada iyo Commonwealth-ka.
Boqor Charles III, 73, wuxuu sugayey tobannaan sano si uu boqortooyada u dhaxlo waana xil-sugihii ugu waqtiga dheeraa taariikhda Britain.
10 maalmood oo baroordiiq ah ayaa lagu dhawaaqay kuwaasoo socon doona ilaa 18-ka bishan oo la aasi doono.
Waxaa baaqan doona dhammaan ciyaarihii maxalliga ahaa ee UK oo ay ku jiraan kuwa EPL ee todobaadkan.
Hadalsame Media