Warbaahinta dalka ka tirsan Bariga Afrika oo bilowday inay iidheh dadban u samayso xubbinimada Somalia ee EAC (Daawo)

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2022 – Waxaa horay usoo baxayey warar sheegaya in MW Uganada ee Yuyoweri Museveni uu ka mid yahay madaxda ugu horreeysa ee riixaysa inay Somalia ku biirto baloogga EAC.

Haatan, hilinka NTV laantiisa Uganda ayaa warbixin falanqayn ah ka sameeyey waxa ay Somalia soo kordhinayso haddii ay kusoo biirto ururka EAC.

Sida uu qabo RONEX KISEMBO oo geli raba Baarlamanka EAC, waxaa ka mid ah inay soo kordhinayso badwayn loo samayn karo dekedo ka waawayn kuwa haatan maadaama ay bad-xiran yihiin dalal badan oo gobolka ihi.

Wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay in DRC Congo oo qalalaase ka jiraan dhowaanna ururka ku biiray durba laga macaashay oo ay tagaan diyaaradaha dalalka ururku, sidoo kalena ay muhim tahay in ururka laga eego dhinaca ammaanka istaraatijiga ah iyo ganacsiga.

Waxaa kale oo ka mid ah inay kordhayso tirada dadka ku jira ururka taasoo kordhinaysa gorgortanka EAC ee caalamka, balse wuxuu sidoo kale Kisembo ku baaqay in si taxaddar leh loo wajaho dhinacyada isdhexgalka goboleed iyo socdaalka oo dadka la diyaariyo.

Si kastaba, Somalia ayaa xubinnimadeeda go’aan laga gaari doonaa dabayaaqada sanadkan.

Hadalsame Media