(Hadalsame) 04 Sebt 2022 – Tilmaamo cusub oo la filayo inay dhaqan galaan Isniinta berri ah, ajaanibta waxaa looga baahan doonaa inay ku wargeliyaan Wasaaradda Gaashaandhigga Israel haddii ay xiriir jacayl la wadaagaan dadka Falastiin ee deggan Daanta Galbeed – kuwaas oo ay ku jiraan qorshayaal ay ku wada noolaanayaan, is guursadaan ama is doontaan – si ay u helaan ama ogolaanshaha soo gelitaanka ama fiise kordhin.
Xayiraadahani ma khuseeyaan shisheeyaha sidaas oo kale xiriir jacayl la leh Yuhuudda ee booqanaya degsiimooyinka Israel.
Xeerarkan cusub waxaa markii hore soo diyaarisay Hay’adda Arrimaha Madaniga Falastiiniyiinta ee hoos tagta Wasaaradda Gaashaandhigga ee COGAT, bishii Febraayo, laakiin waxay la kulantay dib u dhacyo dhowr ah sababo la xiriira caqabado dhanka sharciga ah.
Dukomentigan oo dheer kana kooban 97 bog ayaa qeexaya hab-raaca gelitaanka iyo degenaanshaha muwaadiniinta ajnabiga ah ee dhulka Falastiin ee ay maamusho Israel.
Muwaadiniinta ajnabiga ah, xitaa kuwa asal ahaan kasoo jeeda Falastiiniyiinta ee ku nool dibedda oo si rasmi ah u guursadey degane Daanta Galbeed ku nool, ma awoodi doonaan inay horay ka helaan fiisaha imaanshaha Israa’iil, oo waa inay xareeyaan codsiga ogolaanshaha gelitaanka ugu yaraan 45 maalmood kahor, sida ku qoran Times of Israel.
Shuruudo dheeraad ah ayaa sidoo kale loo soo bandhigay dadka is jeclaada ee “lammaane noqda” imaatinka degaankaasi kaddib.
“Haddii xiriirku bilaabmo kaddib marka uu qofka ajnabiga ihi yimaado aaggaasi, markaas sarkaalka COGAT ee u idman waa in lagu ogeysiiyaa qoraal… 30 maalmood gudahood bilowga xiriirka,” sharcigu wuxuu dhigayaa. “Taariikhda bilawga ah” ee xiriirka waxaa lagu qeexayaa inay tahay maalinta xafladda meherka, arooska, ama bilowga wada-noolaanshaha – “mid kasta oo marka hore dhaca ama lasoo hormariyo.”
Lammaanuhu waa inay sidoo kale “si rasmi ah” xaaladdooda ula socodsiiyaan maamulka Falastiiniyiinta, haddii ay ku guuldaraystaan inay sidaas sameeyaan 90 maalmood gudahood waxay keeni doontaa “si degdeg ah” loo musaafuriyo.
Laakin xitaa haddii maqaamka xiriirka la rasmiyeey, ogolaanshaha ama rukhsadda dal ku galka ee Israel laguma kordhin karo wax ka badan 27 bilood, markaas kaddib qofka shisheeyaha ihi waa inuu dalka ka baxo ugu yaraan muddo 6 bilood ah.
Si aad usii fahamto sheekada, dadka shisheeyaha lagu sheegayo inta badan waa Falastiiniyiin sita baasaboorrada dalal kale oo dalkii ay beri lahaan jireen hadda ”shisheeye” ka ah islamarkaana aan xitaa xiriir la samayn karin Falastiiniyiinta kale ilaa uu ogaysiiyo Israel, halka qofka Yuhuudka ihi uu dunida meeshii uu doono ka iman karo kaddibna degi karo, qaadanna karo dhalashada Israel.
Waa sida Somalia oo uu dal kale qabsaday oo adiga oo 30 sano kahor ka tegey oo baasaboor kale sita aad ka tahay shisheeye aan xitaa gabar Soomaali ah ka guursan karin rukhsad la’aan.
Hadalsame Media