Maraykanka oo sheegay aalad aan horay loogu ogayn oo ay haysato kooxda Shabaab & Su’aal taagan + Sawir

0

(New York) 04 Sebt 2022 – Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta ay bilaabeen adeegsiga tignoolajiyada casriga ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Daroonka, taasoo keentay in weerarrada ay ka gaystaan xarumaha Dowladda Soomaaliya ay kasii khatar badan yihiin, sidii hore.

Tan waxaa daaha ka qaaday Danjire Jeffrey DeLaurentis, La-taliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda Gaarka ah, Ergada Maraykanka ee Qaramada Midoobey (UN).

DeLaurentis ayaa faallooyinkan ka bixiyey intii lagu jirey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee Arria-Formula (kulan aan rasmi ahayn) oo ku saabsan Howlaha Kala-guurka ah ee Kooxaha Argagaxisada.

“Tignoolajiyadda cusub ee soo baxaysa, sidaan maqalnay, nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn (UAS) waxaa si gaar ah uga faa’iidaysta kooxaha argagixisada si ay u fududeeyaan weerarrada, una sameeyaan sahan sirdoon iyo horumarinta dacaayadeed.” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in kooxaha argagixisadu ay isticmaalaan tignoolajiyada casriga ah si ay u weeraraan bartilmaameedyada jilicsan, waloow aan la ogayn sida ay ku heleen iyo halka lasoo mariyey?

Si kastaba, lama oga meesha uu ninkani xogtan ka keenay, iyadoo Maraykanka iyo Galbeedka inta badan lagu xanto inay wax badan ka ogyihiin qorshayaasha kooxahan, sidoo kale reer Galbeedku ma ogola in si wanaagsan loo hubeeyo Ciidamada Xoogga Dalka Somalia, waloow sidoo kale eedda 1-aad la saari karo siyaasiyiinta Somalia oo aan lahayn rabitaan siyaasadeed iyo qorshe go’aan ka dambeeyo oo ay dunida la hortagaan.

Hadalsame Media