(Buenos Aires) 03 Sebt 2022 – Madaxwayne Xigeenka Argentina ayaa ka badbaadey isku day dil goor dambe oo Khamiistii ah kaddib markii nin bastoolad ku hubaysani uu madaxa ka saaray balse nasiib wanaag ay ka jaam garoowdey markii uu toogan lahaa meel u dhow gurigeeda, sida uu sheegay hogaamiyaha dalkaasi.
Madaxwayne Xigeenka Cristina Fernández ayaan waxba ku noqon dhacdadan, taas oo gilgishey waddanka Koonfurta Ameerika oo ay horeba u hareeyeen qalalaase ka dhashay sicir-bararka is daba joogga ah iyo maxkamadaynteeda la xiriirta eedaha musuqmaasuqa ee ay beenisey.
Ninkan ayaa isku dayey in uu dilo Madaxwayne Xigeenka iyada oo ay ku hareeraysan yihiin dad badan oo taageerayaasheeda ah bannaanka gurigeeda Buenos Aires abbaare 9-kii fiidnimo waqtiga maxalliga ah (8 p.m. ET) Khamiistii, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Madaxwayne Alberto Fernández.
Muuqaal laga soo duubay dhacdadan oo uu xaqiijiyey NBC News ayaa muujinaya Madaxwayne Xigeenka oo salaamaysa taageerayaasheeda meel u dhow gaari cad, markii ay gacan ka soo muuqatay dadka taasoo haysta bastoolad madow.
Gacantu waxay u muuqataa inay riishadda riixayso iyadoo ay bastooladdu ku beegan tahay wejigeeda waxaana la maqlayaa xitaa gujinta keebka, laakiin ma jiro wax rasaas ah oo soo baxay.
Xubno ka mid ah dadkii isku soo baxay ayaa markaas u muuqday inay soo jeesteen oo ay ka awood roonaadeen ninkii hubaysnaa.
Hoos ka daawo muuqaalka oo laba xaglood ah….
Hadalsame Media