(Taipei) 03 Sebt 2022 – Taiwan ayaa wacad ku martay in ay qaadayso weerar xooggan “oo rogaalka-celis ah” si ay u “burburiso ciidamada cadawga” haddii ay dhacdo inay ciidamada Shiinuhu soo galaan jasiiradda, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Beijing iyo Taipei kaddib booqasho heer sare ah oo saraakiisha Maraykanku ay ku tageen jasiiradda.
Iyagoo ka hadlayey shir jaraa’id, saraakiisha ciidamada Taiwan ayaa soo bandhigay “halisyada ka imanaya Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha” waxayna ka wada hadleen “Dhoollatusyo waawayn” oo taxane ah oo ay sameeyeen millateriga Shiinaha horraantii Agoosto kaddib booqasho ay halkaa ku tagtay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka Nancy Pelosi iyo mas’uuliyiin kale.
“Qaar ka mid ah dhoollatuska dab-ridka rasaas nool ayaa qabsaday badda dalkeenna… waxayna halis gelisey marin-biyoodka caalamiga ah.” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Jeneral Sun Li-fang, isagoo ku andacoonaya in dhoollatusyadu ay khatar ku yihiin “nidaamka caalamiga ah.”
Madaxa howlgallada millateriga Taiwan iyo madaxa qorshaynta, Sarreeye Guud Lin Wen-huang, ayaa sii waday in uu sheego in jasiiraddu ay xaq u leedahay in ay si dhab ah uga jawaabto haddii Ciidanka Xoraynta Dadka ee Shiinuhu uu ku soo xadgudbo hawadeeda ama biyaheeda.
Hadalsame Media