RW UK oo dadwaynaha faray inay kirliyo cusub soo iibsadaan & kaash badan oo uu sheegay in la bixinayo

0

(London) 03 Sebt 2022 – “Haddii aad haysato kirli ama kildhi duug ah oo ay sanado qaadanayso inuu wax karkariyo, waxay kuugu kici kartaa £20 gini si aad u bedesho, laakiin haddii aad mid cusub hesho, waxaad sannad kasta biirsan doontaa £10 gini oo ka mid ah biilka korontada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha UK ee xilka ka degaya.

RW Boris Johnson ayaa sidaa kaga dhawaaqay khudbadiisii ​​siyaasadeed ee ugu dambeysey ee uu saxafiyiinta kula hadlayey Suffolk Khamiistii.

Johnson wuxuu sharraxay in kaalmada dhaqaale ee qoysaska wajahaya biilasha tamarta ee cirka ku shareeran, taas oo la filayo inay dhaafto £ 3,500 gini sanadkii celcelis ahaan marka xakamaynta qiimaha la qaado bisha Oktoobar, uu go’aamin doono qofka beddelaya – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Liz Truss ama Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Rishi Sunak ayaa mid loo saadinayaa waloow ay Liz horreeyso.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u xaqiijiyey dadkii daawaday inay noqon doonto mid wax soo kordhin doonta. “Dabcan, waxaa jiri doona lacag caddaan ah oo badan oo iman doonta, qof kasta oo igala wareegaba, bilaha soo socda – lacag la taaban karo ayaa qoysaska la siinayaa, taasi gebi ahaanba waa caddahay,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ayaa sidoo kale ballanqaaday 700 milyan ginni si uu u maalgeliyo balaarinta Wershadda Tamarta nukliyeerka ee Sizewell C, isaga oo ku dooday in, sida kirliga shaaha, ay lagama maarmaan tahay in wax badan la bixiyo si loo xaqiijiyo kayd dambe oo lagu ilaaliyo ammaanka tamarta UK.

”Waxay noqon lahayd “waalli” in aan la maalgelin nuklieerka.” ayuu ku dooday, isaga oo qeexaya lix milyan oo guri oo ay koronto siin karto iyo tobanaan kun oo shaqooyin ah oo uu u malaynayo inay abuuri doonto.

Nidaamka muxaafidka ah ee UK xukuma oo ah midka ka saaray EU ayaa lagu xantaa inay burburiyeen adeeggii bulshada inta badanna ay u daneeyaan rag bilyaneerro ah iyo sharikaad waawayn.

Hadalsame Media