MW sheegay in dalka Ukraine lagu ridi karo hubka nukliyeerka (Xaalad ka dhex taagan millateriga & maamulka Ukraine)

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2022 – Dhammaadka colaadda Ukraine ayaa imanaysa dhowaan, sida uu saadaaliyey Madaxwaynaha Belarusia ee Alexander Lukashenko, isagoo ku andacoonaya in ay jiraan xiisado ka dhex aloosan ciidamada qalabka sida ee dalkaasi iyo hoggaankooda rayidka ah.

Isagoo ka hadlayey madal uu qaab muqaal ah ugu khudbaynayey dhammaan ardayda Belarusia ee jaamacadaha, Lukashenko wuxuu sheegay in “Ukraine ay haatan qaybsan tahay” oo uu “khilaaf u dhexeeyo Madaxwaynaha iyo millateriga.”

Sida laga soo xigtey hoggaamiyaha Belarusia, Ciidamada  Ukraine waa awooda kaliya ee dalka ee “inta miiska garaacdo dhihi karta: aynu wada hadalno haddii kale Ukraine waa laga tirtiri doonaa wejiga dhulka.”

Lukashenko wuxuu ku dooday in millateriga dalka, oo khibrad u leh waxa dhabta ah ee ka dhacaya jiida hore, “ay haatan xaaladda u arkaan inay rajo la’aan tahay.”

Dhanka kale, waxa uu ka digey in dagaalka ka socda halkaasi inuu u gudbi karo “iska horimaad cabsi badan” ee ku lug lahaan kara isticmaalka hubka wax gumaada ee nukliyeerka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in “Ruushka uusan halkaasi kala kulmi karin guuldarro,” isagoo raaciyey in Minsk ay si adag u garab taagan tahay xulafadeeda Moscow, sida uu ballanqaaday.

Hadalsame Media