(Beledwayne) 03 Sebt 2022 – Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay halkaa ka dhacday dhacdo dhiille leh oo ka baxsan qiyaasta insaaniyadda iyo Islaamka.
Kooxda Al Shabaab ayaa 7 baabuur oo xamuul ah saakay ku gubey halka lagu magacaabo Afar Irdoodka oo ah duleedka magaalada Beledwayne, balse waxaa kasii daran in halkaa lagu laayey dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa baabuurtaasi oo 20 qofood gaarayey.
Waxaa kasii yaab badan in dadkan la gumaaday oo ahaa shacab biri ma gaydo ah oo aan hubaysnayn, ay misna wehlinayeen dad isugu jirey rag, dumar iyo carruur.
Dadkan ayaa markii la wada xasuuqay waxaa kaddib halkaasi lagu gubey baabuurtii iyo badeecaddii ay sideen ee raashinka u banayd.
Gurmad kale oo Beledweyne ka soo baxay oo musiibadaasi ku baxay kana war doonayey ayaa iyagana miino dhulka loogu aasay.
Falkan ay ku kaceen Kooxda Al Shabaab ayaa noqonaya gumaad kale oo aan kala sooc iyo sabab lahayn.
Hadalsame Media