(Hadalsame) 03 Sebt 2022 – Madaxa Komishanka Midowga Yurub ee Ursula von der Leyen ayaa Jimcihii heshay war naxdin leh oo sheegaya in faraskeedii 30 jirka ahaa ee “Dolly” ay yeey ku dishey gurigeeda oo ku yaal Beinhorn oo u dhow Hanover, Jarmanka.
Duqa Magaalada ayaa wax qabad la’aan ku eedeeyey Wasaaradda Degaanka ee gobolka, halka wasiirku uu ku boorriyey Dowladda Federaalka ah ee Berlin inay diyaariyaan hab loo toogto yeeyda marka ay aad ugu dhawaato dadka ama xoolaha nool.
“Qoyska oo dhan aad bay uga xumaadeen warka,” Ayuu yiri Afhayeenka Von der Leyen oo la hadlay Hannoverische Allgemeine Zeitung (HAZ). Faraska waxaa subaxdii xerada ka helay Von der Leyen ninkeeda.
Faraska ayaa ku dhex jirey “balli dhiig ah” taas oo ” muujinaysa dhimasho xanuun badan,” HAZ ayaa werisey, iyada oo soo xiganaysa dadka deriska ah, laakiin duruufaha dhabta ah ee dhacdadan ayaa waxaa weli baaraysa Wasaaradda Beeraha DF.
Faraskii ku xaraysnaa xayndaabkii xigey, ee lahaa ilmo yar oo sanad jir ah, ayaa la sheegay inuu fiican yahay.
Christian Budde, oo ah Afhayeenka Wasaaradda Degaanka ee Hanover, ayaa sheegay in dhimashada faraska ay keentay qaabka ay qaniinyadu u dhacday, iyadoo muunado iyo saamiyo DNA ah oo laga qaaday faraskii dhintay la baarayo.
Weerar yeey oo kale ayaa galaaftay nolosha laba faras oo kale kaasoo ka dhacay meel u dhow Lehrte, ku dhowaad laba toddobaad kahor.
Sida muuqata, waxa ay DF iyo Maamul-goboleedkii isu wada kaashanayaan inay xal deg deg ah u helaan faras dhintay oo la isku haysto mas’uuliyadda geeridiisa, balse Somalia oo saaka oo ugu dambaysey dad rayid ah lagu xasuuqay ma jiro wax war ah oo micne leh oo laga hayo DF Somalia, walaa maamullada la maqlo uun markii la murmayo ama dano gaar ah loo doodayo.
Hadalsame Media