“Arday dugsi-Qu’raan ayaa ku jirtey!” – Xog dheeraad ah oo kasoo baxaysa dadkii lagu laayey Hiiraan & Geerida oo intii hore laga badinayo (Dhegeyso)

0

(Beledwayne) 03 Sebt 2022 – Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay halkaa ka dhacday dhacdo dhiille leh oo ka baxsan qiyaasta insaaniyadda iyo Islaamka.

Kooxda Al Shabaab ayaa 7 ilaa 10 baabuur oo xamuul ah saakay ku gubey halka lagu magacaabo Afar Irdoodka oo ah duleedka magaalada Beledwayne, balse waxaa kasii daran in halkaa lagu laayey dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa baabuurtaasi kuwaasoo haatan tirada laga badinayo intii hore.

Max’ed Cumar Cabdi ayaa BBC u sheegay in dadka dhintay ay kor u dhaafayaan 40 qofood, isagoo xusay inay jiraan mayd ay qaateen kooxda xasuuqa fulisey ee Shabaab iyo dad ay mayd ahaan uga tageen balse dhaawac ah.

Wuxuu sheegay in dadka la laayey la isla sugey oo ay ku jireen ilmo iyo dad dugsi dhiganayey, halka dadka kale jidka loo istaagey oo la isla sugey kaddibna la xirxirey oo la laayey.

“Dadka qaar waa la bireeyey qaarna xabad ayaa lala dhacay.” Ayuu yiri  oday Cumar oo ay BBC waraysatay.

Waxaa yaab badan in dadkan la gumaaday oo ahaa shacab biri ma gaydo ah oo aan hubaysnayn, ay misna wehlinayeen dad isugu jirey rag, dumar iyo carruur.

Halkan ka DHEGEYSO…

Hadalsame Media