Tillaabo ay qaadday gabar Soomaali ah oo saamayn xun ku yeelan karta codadkii uu heli lahaa Xisbiga S ee RW Sweden

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2022 – Saciida Mooge oo muddo dheer ka tirsanayd Xisbiga S ee ka taliya Sweden ayaa iskaga baxday kaddib markii ay ku eedaysay in aanu haatan u taagnayn qiyamkii ay ku raacday, iyadoo ka fal-celinaysa hadalkii RW Sweden ee ”dooni mayno xaafad Soomaali’.”

Ka bixitaanka Mooge waxaa kasii horreeyey Maxamed Nuur oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo reer Tensta, Stockholm ah oo isna ka baxay Xisbiga S kaddib markii ay meel mariyeen miisaaniyad uu saamayn ku lahaa Xisbiga cunsuriga ah ee SD.

Yeelkeede, khubarada ayaa haatan sheegaysa in bixitaanka Siciido ee kusoo beegmaysa xilli ay doorasho jirto ay keeni karto saamayn taban oo ku dhacda dad badan oo dabiiciyan u codayn lahaa S, taaso si faa’iido u siin karta xisbiyada midigta ah oo ay qaar haatan la shaqayn doonaan Xisbiga SD.

”Haddii la helo dowlad uu Sooshiyaalku hoggaamiyo doorashada kaddib, way adkaanaysaa in dhaliishani ay miciyo yeelato. Laakiin haddii Ulf Kristersson oo taageero ka helaya SD uu xilka la wareego, dad badan ayaa or doona “maxaan idiin sheegnay”. ayuu ku doodayaa Ulf Bjereld oo wax falanqeeya.

”Hal iyo laba qof oo baxay ma filayo in ay saamayn ku yeelanayso natiijada doorashada, laakiin haddii ay badan yihiin dadka baxayaa, dabcan saamayntu way ka waynaan kartaa.” ayuu raaciyey.

Goobaha ay Soomaalida iyo shisheeyuhu ku badan yihiin sida Biskopsgården – oo ay ku nooshahay Saida Moge Hussein – guud ahaan waa dhufeysyo xooggan oo uu lahaan jirey Xisbiga S.

Qaybo ka mid ah aaggaasi, in ka badan 50% ayaa u codeeyey S doorashadii u dambaysey. Xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ee Stockholm, tiradu wayba ka badnayd oo waxay u dhaxaysey 50 ilaa 70% dhowr degmo doorasho.

Hadalsame Media