”Qosol loo baahan yahay maaha!” – Raage Oomaar oo fal-celin kulul kala kulmay hadal uu ku duray kulankii MW Somalia (Siyaasi caan ah ku taageeray)

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2022 – Weriyaha caalamiga ah ee Raage Oomaar ayaa hadal digniin u eg u jeediyey MW Somalia ee Xasan Sh. Maxamuud, isagoo ku saluugsan kulamo is xigey oo uu la kala yeeshay Maraykanka iyo Shiinaha.

Raage Oomaar ayaa adeegsadey kelmado ay ku jireen ”cidda biilkaaga bixisa ee ku ammaan gelisa” oo uu ula jeedey Maraykanka, isagoo dhaliilay in saacado yar kaddib uu MW Somalia la qoslo Danjiraha Shiinaha.

Yeelkeede, waloow ay dadka qaar ku raaceen ra’yigiisa kuwaasoo uu xitaa ka mid yahay MW hore ee Hirshabeelle, Md Waare, misna dad badan ayay u cuntami waydey weeraynta erayada Raage sida arrinta ”biilka” iyo in aan Somalia xiriir la yeelan karin ciddii diiddan Maraykanka iyo Galbeedka oo ka muuqata qoraalka Raage.

Dad badan ayaa Raage u sheegay in Somalia ay tahay dal sharciyan madaxbannaan oo la xaali kara ciddii uu doono, iyagoo sidoo kale saluugey inuu jiro dal maanta Somalia ”badbaado siiya”, maadaama aysan badbaado ka jirin Somalia haatan.

Si kastaba, Somalia ayay tahay inay la macaamisho dal kasta oo wax u qaban kara, balse sidoo kale waa inay iska jirtaa sida sahlan ee ay u dhex booddo khilaafyo iyada ka wayn oo inay ka hadasho aysan waxba ku kordhinayn, marka laga reebo eedo uga yimaada dhinacyada is haya.

Halkan ka aqri fal-celinta…..

Hadalsame Media