(Moscow) 02 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa la xaqiijiyey in aanu ka qaybgeli doonin aaska Mikhail Gorbachev, oo ahaa hoggaamiyihii ugu dambeeyey ee Midowgii Soofiyeeti ee burburay, sida uu xaqiijiyey Kremlin-ku.
Afhayeenka Aqalka Hoose, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in jadwalka shaqada ee Mr Putin uusan u ogolaanaynin inuu ka soo qaybgalo munaasabadda aaska ah ee Sabtida berri ah dhacaysa, sida loo qoondeeyey.
Waxa uu inta raaciyey in hoggaamiyaha Ruushku uu odaygaa hore ku maamuusay isbitaalka Moscow ee uu Gorbachev ku dhintay Talaadadii, isagoo 91 jir ahaa.
Khamiistii, taleefishinka qaranka Ruushka ayaa soo bandhigay Mr Putin oo ubaxyo cas ag dhigaya naxashka Gorbachev ee yaalla Iisbitaalka Guud ee Central Clinical ee magaalada Moscow.
“Nasiibdarro, jadwalka shaqada ee madaxwaynuhu ayaan oggolaanaynin in 3-da Sebtembar uu ka qaybgalo aaska, sidaas darteed, wuxuu go’aansaday inuu maamuuskan maanta sameeyo.” ayuu yiri Mr Peskov oo la hadlay warfidiyeenka.
Gorbachev ayaa gacan ka gaystey soo afjariddii Dagaalkii Qaboobaa ee Adduunka, balse waxaa lagu eedeeyaa in waloow uu sidaa dunida dagaal uga badbaadiyey aanu badbaadin Midowgii Soofiyeeti ee burburay xilligii uu isagu hoggaamiyaha ahaa, taasoo ay ka xun yihiin geed-fadhiga siyaasadda Ruushka iyo Putin lafttiisu.
Hadalsame Media