”Waxaa lagu soo doortay Shareecada Islaamka!” – Ilhaan Cumar oo weerar lagu soo qaaday (Jawaabteeda?)

0

(Washington, DC 01 Sebt 2022 – Xildhibaannadda Ilhaan Cumar oo degmada 5-aad ee Minnesota ku metesha Aqalka Wakiillada ee Koongarayska ayaa markale weerar lagu soo qaaday.

Haweenayda muxaafidka ah ee Theresa Waters ayaa faafisay muuqaal ay ku jiraan haween xijaaban oo niqaaban, iyadoo ku dul qortay kabshan ay ku sheegayso in Ilhaan Cumar ay dadkani soo doortaan.

Waxay qoraalka ku sheegtay in Ilhaan Cumar lagusoo doortay Shareecada Islaamka oo ka talisa degmadeeda, islamarkaana aanay dadkii halkaa abid degganaa aysan maanta garan karin halkaasi.

Ilhaan Cumar ayaa deeto warkeedii ku dhejisey qoraal kooban oo ay ku qortay barta Twitter-ka, iyadoo ku dul qortay sidatan:

”Ma kaa dhab baa?, Yaab baad leedahay haddiiba aad rumaysato waxyaalahan oo kale.”

Hadalsame Media