Tigreega oo durba qayladhaamiyey & cudud aysan jeclayn oo dagaalka kusoo biirtay

0

(Maqalla) 01 Sebt 2022 – Kooxda TPLF ayaa shaacisay war ay ku sheegtay in ay Eritrea ay ku soo biirtay dagaalka gobolka ka holcaya Gobolka Tigraay oo mar kale halkaa dib uga curtay.

Fallaagadan oo u dirirta qoowmiyadda Tigreega, ayaa sheegtay in weerar balaaran uu haatan uga socdo afar jiho iyadoo ay dagaal ba’an ku ekeeyeen Coiidamada Eritrea iyo kuwa Dowladda Federaalka Itoobiya.

Jabhadda Tigreega ayaa dagaalladii ugu dambeeyey meelaha qaar guulo ka sheeganaysey halka meelo kalena lagu riixay, waxaana sii xumaanaysa xaaladda aadminnimo ee gobolkaasi.

Ma jiraan ilo 3-aad oo madax bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada jabhadda TPLF oo dalka Itoobiya oo ay xoog ku qabsatay muddo 21 sano ah ka talinaysey.

Dhanka kale, Tigraayga ay saaka sheegay inay weerar ku qaadeen dhowr jiho oo ay ka mid yihiin Seqota, Hamdayt iyo Dedebit.

Hadalsame Media