(Hadalsame) 01 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky ayaa la sheegay inuu Villa qaali ah oo uu ku leeyahay gobolka Tuscania ee Talyaaniga ka kireeyey dad Ruush ah bishii hore ee Agoosto, sida uu sheegay wargayska Talyaaniga ah ee Il Tirreno, xilli uu Zelensky ugu baaqayey madaxda Midowga Yurub inay fiisaha u diidaan dalxiisayaasha Ruushka.
Lammaane Ruush ah oo ciwaan London ku leh ayaa kiraystey gurigan bishii Agoosto, iyaga oo bixinaya qiime amiirnimo oo dhan 50,000 oo Yuuro ($ 50,237), ayuu wargaysku sheegay.
Warku waxa uu intaa ku daray in gurigan Villa-da ah oo ku yaalla magaalada xeebta ku taal ee Forte dei Marmi, uu Zelensky ku iibsaday afar milyan oo Yuuro, xilli uu hoggaamiyaha Ukraine uu weli ahaa aktar ama jilaa.
Sawirro ay soo dhigeen baraha bulshada ee lammaanahan Ruushka ah ayaa xaqiijiyey inay deganaayeen guriga Zelensky, sida uu qoray warqaadka Il Tirreno.
Corriere Della Serra, oo ah wargays kale oo Talyaani ah, ayaa la xiriirey ninka maamulaya guriga, kaas oo yiri “Kiraystayaashu ma ahayn Ruush, laakiin ma sheegi karo wax intaa ka badan si aan u ilaaliyo gaarnimada arrintan.”
Si kastaba ha ahaatee, wargaysku wuxuu sheegay in kiraystayaasha ay u badan tahay inay asal ahaan ka soo jeedaan Ruushka, “laakin muddo dheer ay deganaayeen lagana yaabee inay haystaan dhalashada Ingiriisiga.”
Tan iyo markii ay Ciidamada Ruushku ay galeen Ukraine bishii Febraayo, Zelensky wuxuu ku boorriyey Midowga Yurub inay fiisaha u diidaan martida Ruushka.
Dadka Ruushka, ayuu u sheegay Washington Post horraantii bishan, “inay tahay inay ku noolaadaan dalkooda ilaa ay ka beddelayaan falsafadooda.”
Hadalsame Media