Maamulka Gobolka Banaadir oo ku kacay arrin bini’aadminnimada ka baxsan + Sawirro

0

(Muqdisho) 01 Sebt 2022 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa beryahan xoolo kala duwan oo baad la’aan darteed magaalada usoo dhex galay ka ururinayey jidadka magaalada Muqdisho.

Haatan ayaa lasoo sheegay in lo’dii laga ururiyey waddooyinka magaalada lagu xareeyey barxadda Biyaasa Liibaro ee Degmada Xamar Jajab, halkaasoo aan ahayn goob ay xoolo joogi karaan.

Xoolahani haatan ma haystaan baad iyo biyo tiiyoo ay muddo laba maalmood ah oo ay shaqadu socoto ay halkaas ku xanniban yihiin iyagoo si joogto ah harraad iyo baahi ula ciyaya.

Maamulka ayay ahayd in haddiiba ay bahaahinkan ma yeeraanka ah xaraynayaan ay ka fikiraan baadkooda, maadaama ay iyagu meel ku xareeyeen oo ay mas’uuliyadi ka saaran tahay, hadhowba lacagta hallaga qaado dadka xoolahan iska leh, maadaama aysan dadka mas’uuliyadda sheeganaya fahamsanayn in dadka iyo xooluhuba ay xaq ku leeyihiin iyaga.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha heer federaal ayay iyadna waajib ku tahay inay arrintan soo farageliso oo ay xoolahan calaf deg deg ah u raadiso, iyadoo sababta keenaysa inay xooluhu magaalada irsaaqad ka doonaan ay keenayso abaarta taagan iyo nidaamyada Somalia oo aan marna ku foogganayn wanaajinta tayada nololeed ee dalka sida ammaanka quudka iwm.

Hadalsame Media