Dalka UK oo ay kusoo wajahan tahay arrin keeni karta inay caano waayaan 10 milyan oo qof + Sababta

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2022 – Boqortooyada Midowdey (UK) ayaa waxaa laga yaabaa inay wajahdo caano-yaraan iyo qiimo koror iyadoo ay gayfanayaasha hilib-diidka ihi ay qorshaynayaan inay carqaladeeyaan khadadka sahayda caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo sidoo kalena xannibaya bakhaarrada caanaha muddo 2 toddobaad ah, sida ay ka digayso shirkadda caanaha darayga ah ee dalkaasi.

Jabhadda Xayawaanka (Animal Rebellion), oo ka go’day dhaqdhaqaaqda degaanka ee caanka ahaa ee Extinction Rebellion, ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay samayso wax kasta oo ay ku qaadato si aan rabshad lahayn – taasoo ay ku jirto inay xabsi galaan” si loogu khasbo soo saarayaasha caanaha Ingiriiska inay caanaha dhir kasoo saaraan marka la gaaro 2025.

“Bishan Sebtembar waxaan carqaladayn doonnaa saadka caanaha ee UK oo dhan iyadoo ay 500 oo qof maalintii ka qaybgelayaan, waxay goyn doonaan sahayda caanaha ee dukaamada waawayn taasoo keeni doonta  carqalad heer sare ah oo aan la qiyaasi karin taas oo ay dareemi doonaan tobannaan milyan oo qof oo ku nool UK,” ayuu u aqrismayaa bayaan ku qoran webka Animal Rebellion.

Arbacadii, koox ka kooban 50 qof oo gayfanayaan ah ayaa horay u xannibay wershadda Arla Aylesbury, oo ah wershadda caanaha ee ugu wayn UK, taasoo soo saarta 1.1 bilyan oo litir oo caano ah sannad kasta, islamarkaana bixisa 10% caanaha dalkaasi.

Agaasimaha Maamulka ee Arla Foods UK, Ash Amirahmadi, ayaa ka digey in “wax kasta oo kharash ku kordhinaya ganacsigan ay ku dambayn doonaan kharash dheeraad ah oo macaamiisha fuulaya,” maadaama celceliska qiimaha caanuhu uu horeba u kacay 43% sannadkii la soo dhaafay marka la eego xasaradda haysata quutul duruuriga.

Waxa uu intaa ku daray in Arla Foods ay la shaqaynaysey booliska iyo dowladda si ay u hubiso in silsilada sahayda aan la carqaladayn, halka Xildhibaanka Xisbiga Conservative ee Alicia Kearns ay ku adkaysatay in wax ay ku sheegtay “malliishishiyada vegan-ku ay wajahi doonto xoogga sharciga oo buuxa.”

Bishii Luulyo, koox dhaqdhaqaaqeyaal ah oo ka tirsan kacdoonka Xayawaanka ayaa mudaharaad ka dhan ah caanaha ka sameeyey dukaanka jumlada qaybta Harrods ee London iyaga oo caanaha ka soo saaray iskafaallooyinka deetana ku daadinayey sagxadda.

Kooxda ayaa aakhirkii xoog looga saaray bakhaarka.

Hadalsame Media