Dal wayn oo Yurub ah oo uu ka da’ay roob dhagxaan ah oo ilmo yari ku dhintay dad kalena LAFAHA ka jebiyey (Daawo)

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2022 – Roobab dabaylo wata ayaa ku dhuftay gobolka Catalonia ee dalka Spain gelinkii dambe ee Talaadadii, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo qof, waxaana ku dhimatay gabar 20-bilood jir ah.

Duufaantan ayaa ahayd tii ugu xumayd muddo labaatan sano ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Saadaasha Hawada dalkaasi ee ee Meteocat.

In kasta oo duufaantu ay socotay muddo toban daqiiqo oo keliya ah, haddana waxay ahayd mid aad u xooggan oo qaar ka mid ah dhagaxyada roobka dhagaxyada leh ayaa si aan caadi ahayn u waynaayeen. Ilaa 50 qof oo ku nool gobolka ayaa waxaa soo gaarey dhaawacyo kala duwan oo ay ku jiraan lafo jabay, diirdiiran iyo xagatimo.

Meteocat ayaa sheegtay in roobka da’ay oo watey baraf dhagxaan ihi uu ahaa “musiibo taariikhi ah”, ama dhacdadii ugu xumayd ee noocan oo kale ah ugu yaraan labaatan sano. Hay’adda ayaa daabacday sawirrada roobka dhagaxyada leh, kuwaas oo ay ugu wayn yihiin qaar dhumuc ahaan 10cm ah.

Muunaddii ama sambalkii ugu waynayd ayaa laga soo qaaday magaalada La Bisbal d’Emporda, halkaas oo gabar yar oo socod barad ihi ay ku dhimatay isbitaalka kaddib markii uu si toos ah madaxa uga dhacay roobkan dhagaxtada leh, sida ay Carme Vall u sheegtay TV-ga RTVE.

Hadalsame Media