Dadka Maraykanka oo ka walaacsan burbur ku yimaada nidaam uu dalkaasi caan ku yahay (Farqi u dhexeeya madowga & caddaanka)

0

(Washington, DC) 02 Sebt 2022 – In ka badan laba ka mid ah saddexdii qof ee Maraykan ah – 67% – ayaa waxay aaminsan yihiin in dimlqraadiyadda dalkoodu ay qarka u saaran tahay burbur, sida laga soo xigtey ra’yi ururin ay fulisey Jaamacadda Quinnipiac oo la daabacay Arbacadii.

Tiradani waxay ka dhigan tahay koror sagaal-dhibcood ah tan iyo markii su’aasha hore dadka loo weydiiyey bishii Janaayo.

Welwelka mustaqbalka dimoqraadiyada Maraykanka waa wax cod-bixiyayaasha labada xisbi ay isku raaci karaan, 72% Dimoqraadiyiinta diwaangashan ah iyo 70% Republicans-ka ah, iyo 69% madax-bannaan, ayaa wada sheegay inay ka walaacsan yihiin dhimashadeeda.

Dhanka kale, in ka badan afar meelood saddex ka mid ah haweenka ayaa ka walaacsan mustaqbalka dalkooda oo dimuqraadi sii ahaada, halka raggu aysanba ka badnayn 58% oo qura, caddaanka ayaana aad uga baqaya burburka dalka marka loo eego madowga, farqigu se waa kaliya hal dhibic (70% vs. 69%) .

Codbixintu ma ahayn tii ugu horreeysey ee lagu xuso walaaca dadwaynaha Maraykanka ee ku aaddan badbaadada dawladooda Maraykanka, oo farsamo ahaan ah jamhuuriyad dastuuri ah halkii ay ka ahaan lahayd dimoqraadiyad dhab ah.

Ra’yi ururin uu sameeyey hilinka NBC News usbuucii hore ayaa soo jeedisey in ka badan hal ka mid ah shantii (21%) codbixiye ay halista ugu wayn u arkaan dimoqraadiyada oo burburta, iyadoo qiimaha sare ee nolosha sida sicir bararka iyo hoos u dhaca dhaqaaluhu ay yihiin kuwa ku jira kaalimaha labaad.

Hadalsame Media