(Hadalsame) 31 Agoosto 2022 – Shirkadaha Maraykanka ee isaga baxay Ruushka sababo la xiriira cadaadiskii cunaqabataynta reer Galbeedka ayaa hadda raadinaya hab ay Moscow si qarsoodi ah uga ganacsadaan iyaga oo sii maraya Turkiga, sida uu sheegayo wargayska Yeni Safak ee Turkiga ah.
Maqaalku wuxuu iftiimiyey in tiro shirkado ihi ay rabaan inay hareer maraan xannibaadaha dhaqaale ee ka dhanka ah Ruushka waxayna ka codsanayaan shirkadaha Turkiga inay ganacsi shirko ah la sameeyaan iyagoo bixinaya “lacag dallaal ah.”
Tirada hindisayaasha noocan oo kale ah ee shirkadaha Maraykanka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, sida ay dad arrintan la socdaa u sheegeen maalinlahan.
Shirkadaha Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa inay doonayaan inay soo degsadaan noocyo kala duwan oo badeecooyinka Ruushka ah, oo ay ku jiraan petrochemicals, shidaalka macdanta, biraha qaaliga ah iyo dhagxaanta, badarka, birta iyo aastada, bacrimiyeyaasha iyo kiimikooyinka aan dabiiciga ahayn, aquaculture iyo cabitaanka khamriga, iyagoo ka faa’iidaysanaya “xiriirka diirran ee Turkiga iyo Ruushka”, sida uu qoray wargaysku.
Ganacsiga Maraykanka ayaa khasaare wayn kala kulmay ka bixitaanka suuqa wayn ee Ruushka, wargayska ayaa qoray, isagoo tilmaamay in Washington ay $23.3 bilyan oo Doollar ku khasaartay ganacsigii ay la lahayd Moscow.
Hadalsame Media